Isniin, April 28, 2008(HOL): Waxaa is-casilay Afhayeenkii labaad oo uu yeesho maamulka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe, iyadoo uu horay isu casilay Afhayeen ka horeeyay midka maanta is-casilay.
Xasan Hilowle Cusmaan (Xasan Kacaan) oo muddo bil ah hayay xilka Afhayeennimada Maamulka Degmada Balcad ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu go’aanka is-casilaadda ah qaatay kadib markii uu ogaaday arrimo dhowr ah oo uusan horay u ogeyn, waa sida uu hadalka u dhigay.
Wuxuu sheegay Xasan Kacaan in waxyaabaha uu ogaaday ay ka mid yihiin dagaalladii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya Sanadihii 1964-kii iyo 1977-kii iyo cadaawadda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, sidoo kalena wuxuuna sheegay in uu ogaaday in Dowladda Federaalka ay kaliya hub-ka-dhigis ku sameyneyso beelaha Hawiye.
Xasan Kacaan waxaa uu gaashaanka ku dhuftay in uu isu casilay sabab la xiriirta hanjabaad uga timid dhinaca kooxaha Dowladda Federaalka ka soo horjeeda, wuxuuna sheegay in uu go’aankaas qaatay iyadoo aaney jirin cid u hanjabtay.
Horay waxaa xilka Afhayeennimada Maamulka Degmada Balcad isaga casilay nin lagu magacaabo Maxamed Abshir Nuur (Koba-Qori), kaasi oo sheegay in uu isu casilay sabab la xiriirta culeysyo uga yimid dhinaca qoyskiisa iyo qaraabadiisa, kuwaasi oo uu sheegay in ay kula taliyeen in uu iska casilo xilka afhayeennimo ee maamulka Degmada Balcad.
Ugu dambeyntiina, Degmada Balcad ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa haatan waxay tahay maamul la’aan, inkastoo ay maamul la’aantaas la wadaagto Degmooyinka Jowhar iyo Mahadaay, kuwaasi oo mas’uuliyiintii ka ariminineysay ay halkaas isaga baxeen kadib markii ay dhowr jeer weerar ku soo qaadeen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka.
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia