Xooggag ka amar qaata Al-Shabaab oo la wareegay gacan ku heynta Degmada Ufurow ee Gobolka Bay

Cabirka Farta

Isniin, April 28, 2008(HOL): Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Gobolka Bay ayaa waxay sheegayaan in Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab ay la wareegeen gacan ku heynta Degmada Ufurow ee Gobolka Bay.

Wararku waxay intaas ku darayaan in Xoogaggan la wareegay gacan ku heynta Degmada Ufurow ay ka yimaadeen dhinaca Degmada Qansax-dheere ee isla Gobolka Bay oo ay iyadana shalay gacan ku heynteeda la wareegeen.

Ma jiraan wax iska hor-imaad ah oo ka dhacay Degmooyinkaas markii ay Xoogagga Al-Shabaab la wareegayeen, waxaana haatan la soo sheegayaa in ay degan tahay xaaladaha Degmooyinkaas.

Dhawaanahan ayaa Xoogag ka amar qaata Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab waxay la wareegayeen  gacan ku heynta Degmooyin dhowr ah oo ku yaala Gobollada Bay iyo Bakool, kuwaasi oo ay horay uga talinayeen maamullo ay magacawday Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hadal heynta ugu badan ee taala magaalada Baydhabo ayaa waxay tahay soo xoogeysashada Dhaqdhaqaaqa Al-Shabaab, iyadoo degmooyinka ka tirsan Gobolka Bay ee ay gacan ku heyntooda la wareegeen.

Afhayeenka Al-Shabaab Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Masnuur oo Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da uga waramay dhaqdhaqaaqyada ay ka wadaan Gobollada Bay iyo Bakool ayaa wuxuu sheegay in ay doonayaan in ay deegaannada Bay iyo Bakool ka sifeeyaan Ciidamada iyo Itoobiya iyo sida uu u yiri daba-dhilifka u adeega.

Ugu dambeyntiina, ma jiro ilaa iyo haatan wax war ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ama Maamulka Gobolka Bay oo ku saabsan Xoogagga Al-Shabaab ee la wareegay gacan ku heynta Degmooyin ka tirsan Gobolka Bay.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia