Waxgarad iyo Nabaddoonno Reer Jowhar ah oo ku heshiiyay in ay Ciidamo Madani ah u sameeyaan Magaalada Jowhar

Cabirka Farta

Isniin, April 28, 2008(HOL): Waxgarad iyo Nabaddoonno ka soo jeeda Magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa maanta waxay shir ku yeesheen magaaladaas, iyagoo ka wada arrinsanayay sidii ay Ciidamo madani ah ugu sameyn lahaayeen Magaalada Jowhar oo aan haatan lahayn wax maamul ah.

23 Oday oo ka soo jeeda  Shan Beelood oo la sheegay in ay ugu waa weyn yihiin Beelaha wada dega magaalada Jowhar ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa waxay gunaanadkii shirkooda soo saareen go’aanno ay ka mid ahaayeen in ay Ciidamo Madani ah oo tiradooda gaareyso 100 Askari ay  u sameeyaan Magaalada Jowhar, si ay uga hortagaan in uu ammaanka magaalada faraha ka baxo.

Boqolka Askari ee loo sameynayo Magaalada Jowhar ayaa waxay shanta Beelood middiiba keeneysaa 20 Askari, iyadoo waqti koobanna la siiyay Beelaha  in ay raggaas Ciidamada noqon doona isugu keenaan.

Go’aanka ay gaareen Odayaasha iyo Waxgaradka shirka ku yeeshay magaalada Jowhar ayaa waxaa soo dhaweeyay dadka ku dhaqan magaaladaas, kuwaasi oo Wadnaha farta ugu haya sabab la xiriirta in ay la soo deristo amni darro kadib muddo lix sanadood gaareysa oo ay nabadgelyo ku noolaayeen.

Sameynta Ciidamadan Madaniga ah ayaa waxay ku soo beegmeysaa iyadoo gacan ku heynta magaalada Jowhar ay dhowr jeer la wareegeen Ciidamo ka amar qaata Maxkamadaha Islaamka, iyadoo Ciidamadii Maamulka Gobolka Shabeelaha Dhexe-na uu meesha isaga baxay.

Ugu dambeyntiina, Ciidamadan Madaniga ah ee loo sameynayo magaalada Jowhar ayaan la ogeyn tabarta ay u yeelan doonaan burcad haatanba laga soo sheegayo deegaanno ku dhow dhow magaalada Jowhar, kuwaasi oo dhibaato ku haya dadka safarka ah, iyadoo dhinaca kalena ay is-weydiin mudan tahay halka Ciidamadan taakulada looga heli doono.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia