Maamul Goboleedka Puntland oo Xabsi Daa’in iyo Xabsi Shan Sano ah ku xukumay Rag Falal Burcadnimo ah lagu soo eedeeyay

Cabirka Farta

Isniin, April 28, 2008(HOL): Maxkamadda Darajada Koowaad ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa maanta waxay xukunno kala duwan ku riday rag lagu soo eedeeyay in ay falal burcadnimo ka geysteen Badda iyo Berriga Deegaannada Puntland.

Ragga la xukumay oo tiradooda gaareyso 11 Ruux ayaa 7 ka mid ah waxaa lagu riday xukun ah xabsi daa’in kadib markii lagu helay dembi ah in ay dhawaan af-duubteen balse ay Ciidamada Ammaanka Puntland ka soo dhigeen Doon Al-Khaliij lagu magacaabo oo Badeeco u siday Dekedda Boosaaso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad Maxamed Cabdi Awaare oo xukunkan ku dhawaaqay ayaa sheegay in xukunka xabsi daa’inka ah ee raggaas lagu riday uu ka furan yahay Racfaan.

Sidoo kalena, waxaa Min Shan Sano oo Xabsi lagu xukumay Afar dhalinyaro ah oo iyana lagu helay in ay isku dayeen in ay af-duubtaan Haweeney u shaqeyneysay Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR, inkastoo uusan af-duubkaas u hirgelin.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Puntland Maxamed Cabdi Awaare waxaa uu sheegay in ay sidoo kale Maxkamadda xukmisay in ragga shanta sano lagu xukumay ay soo wareejiyaan Qori Gacmeedyadii ay doonayeen in ay af-duubka ku geystaan, sidoo kalena ay magdhow ka bixiyaan Gaadiidkii Hay’adda UNHCR u kireysnaa ee ay burburinta u geysteen, sidoo kalena ay Haweeneydii lahayd u celiyaan Gaari ay wateen markii ay falka af-duubka ah isku dayayeen, iyadoo maxkamadda laga hor-caddeeyay in Gaarigaas uu ahaa mid ay soo dhaceen.

Xukunnada ay maanta riday Maxkamadda Darajada koowaad ee Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay ku soo beegmayaan iyadoo dhawaanahan ay deegaannada Puntland Bad iyo Berriba ay ka jireen falal amni-darro ka tarjumayay, kuwaasi oo isugu jiray af-duub gudaha Puntland loogu geystay Dad Ajnabi ah, sidoo kalena ay dhinaca Xeebaha Puntland ka dilaaceen Kooxo Burcad Badeed ah oo Doomaha iyo Maraakiibrta qafaasha, tiiyoo ay sii dheer yihiin qaraxyo ka dhacay Magaalada Boosaaso, kuwaasi oo mid ka mid ah uu geystay dhimasho iyo dhaawac tiro badan oo soo gaaray Dad Itoobiyaan u badnaa oo nawaaxiga Dekedda Boosaaso deganaaa.

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Mogadishu, Somalia