4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Apr 7 , 2019
Shir wadatashi ah oo Culumada Jigjiga ay isugu yimaadeen maanta

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Golaha Arrimaha Islaamka ee Maamulka magaalada Jigjiga ayaa shir wadatashi ah u qabtay Culumada magaalada Jigjiga, shirkan ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xafiiska Golaha sare ee Maamulka magaalada Jigjiga.

Shirkan ayay Culumadu kaga wada hadleen, arrimo ay kamid ahaayeen Midaynta dadaalada dacwadda Islaamka, Ilaalinta midnimada Muslimiinta iyo Culumada dhexdooda.iyo tayaynya Waxbarashada diiniga ah.

 

Culumada degaanka ayaa ahaa kuwo dhib kala kulma xukuumaddii hore ee degaanka ka talin jirtay isla markaana aan awood u lahayn inay qabsadaan shirar ay kaga arrinsanayaan kor u qaadista arrimaha diinta Islaamka. balse dawladda hadda ka jirta degaanka ayaa xoriyad buuxda siisay Culumada degaanku inay si xor ah degaanka uga dhaqdhaqaaqaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]