4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
Ra'iisul wasaare Khayre oo saddex wasiir magacaabay

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow magacaabay saddex wasiir, sida ku cad digreeto xafiiskiisa ka soo baxday.

Saalax Axmed Jaamac oo ahaa Wasiirkii Shaqada iyo Shaqaalaha ayaa loo magacabay xilkii uu  ka geeriyooday Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil,iyadoo Saalax Axmed  uu noqonayo wasiirka Dastuurka.

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha ayaa isna loo magacaabay Sadiiq Xirsi Warfaa ,oo ay isku beel ahaayeen Wasiirkii hore ee Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo bishii la soo dhaafay geeriyooday.

Fowziyo Maxamed Sheekh ayaa loo magacaabay Wasiirka Tamarta iyo Biyaha oo ahaa mid banaanaa, waxaa horay xilkaas isaga casilay Cabdicasiis Lafta Gareen oo loo doortay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

Wasiirrada la magacaabay, sidoo kale waa xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka,iyadoo magacaabiistooda ay kor u qaadeyso tirada Xildhibaanada Wasiirada ah ee ku jira xukuumadda Ra’iisul Wasaare Kheyre.


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]