3/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
XISBIGA WADDANI“Gaadhigii Guddoomiye Cirro suuqa badhtankiisa wiish lagaga dhex qaatay”

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI Mudane Barkhad Jaamac Batuun, ayaa sheegay in gaadhigii gudoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Cirro la xidhay, isla markaana askartii ilaalinaysay qaar ka mid ah laga kaxeeyey.

“Waxaad ka war qabteen in maalintii shalay gaadhiga Guddoomiyaha Xisbiga suuqa badhtankiisa wiish lagaga dhex qaatay, ciidanka ilaalada u ah guddoomiyaha Xisbigana qaar ka mid ah xeryahoodii dib loogaga yeedhay. Sababta arrintaasi u dhacday markii aanu u dhabba galnay ee aanu isku daynay in aanu xog rasmi ah ka helana waxay u muuqata xukuumaddii masuulka ka ahayd amniga dalku in ay ka badheedhayso jeexista dariiqa fawdo dalka ka dhacda,” ayuu yidhi Afhayeenka guud ee xisbiga WADDANI .

Afhayeenka xisbiga Barkhad Batuun ayaa sheegay in direys loo keenay askarta ilaalinta u ah gudoomiyaha oo laga soo qaadayey magaaladda Saylac oo sifo sharci ah soo martay lagu qabsaday gaadhigii siday markii uu Hargeysa yimid.

“Guddoomiyaha xisbigu wuxuu leeyahay ilaalo u gaar ah oo qaabilsan sugidda amnigiisa. Ilaaladaasi waxay ka tirsan yihiin ciidamada Qalabka sida ee dalka, ciidamo beeleed maaha ee waa ciidamo isugu jira booliska iyo militariga, waxa loogu deeqay dirays iyaga u gaar ah oo ay xidhaan, dirayska waxa ugu deeqay muwaadin reer Somaliland ah waxaana loo keenay magaalada Saylac waanay ka doonteen, taliska guud ee ciidamada Qaranku warqaddii uu ku amray in la soo siiyo diraysku waa tan waana warqad taliska ka soo baxday oo ah 16 dirays ah oo ay soo qaadaneyeen, warqadda wasaaradda Maaliyaddu ku farayso qaybta Kastamaduna waa kan oo waxaa ku yaalla saxeexa agaasimaha. Labada warqadood ba waxay caddaynayaan in ciidanka ilaalada guddoomiyuhu sharciga raaceen. Nasiib darro waxa dhacday markii ay soo qaateen dirayskii ayaa lagu dhex qabtay badhtanka magaalada iyada oo tixraacooda iyo cidda ay ka tirsan yihiin ba la garanayo.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Afhayeenku wuxuu sheegay in afar iyo labaatan saacadood gudahood lagu siidaayo oo waliba raaligalin laga bixiyo xadhiga gaadhiga gudoomiyaha.

“Waxaanu ku dhiiri gelinayna taageerayaashayada oo aanu ku xanto xantaynayna xumo aan qalbigiina ku jirin in aan la idinku abuurin mana tihidin kuwa bartooda looga soo dhacayo Qaranka. Waxa uu guddoomiyuhu astaan idiinku yahay isku haynta, sharafta iyo wadida shacabka Somaliland waxaanu damac kaga jira hayaanka iyo halganka hoggaaminta dalka,” ayuu yidhi Afhayeen Barkhad Jaamac Batuun.

Gaadhiga gudoomiye Cirro ayey wararku sheegayaan in direys ciidan oo u gaar ah loogu keenay Saylac, taas oo markii la ogaaday inay gaadhigan saaran yihiin xabsiga loo taxaabay gaadhigi dirayska siday.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland. 













Click here
4/7/2019 3:43 PM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Golaha Arrimaha Islaamka ee Maamulka magaalada Jigjiga ayaa shir wadatashi ah u qabtay Culumada magaalada Jigjiga, shirkan ayaa ka qabsoomay hoolka shirarka ee Xafiiska Golaha sare ee Maamulka magaalada Jigjiga.

4/7/2019 1:58 PM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in wiil 5 sano jir ah lagu gowracay gurigooda xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, kaddib markii uu weeraray qof Tooray watay.

4/7/2019 1:31 PM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo saakay subaxnimadii hore safar dhulka ah kaga soo ambabaxay magaalada Boosaaso, soona Gebagebeeyey safarkiisii taariikhiga ahaa ee Gobolada Karkaar iyo Bari ayaa galabta qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay wefti balaadhan oo ay hogaaminaysey safiirka dalka Jarmalka ee Soomaaliya Ambassador Annett Günther.

4/7/2019 11:57 AM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidamada dowladda ayaa howlgal ay ka sameeyeen Masjidka Abuu-Hureyre ee magaalada Muqdisho ku soo qabteen Imaamkii Masjidka.

4/7/2019 7:53 AM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wassaarha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Mareykanka.

4/7/2019 6:05 AM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa goor dhow magacaabay saddex wasiir, sida ku cad digreeto xafiiskiisa ka soo baxday.

4/7/2019 5:51 AM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Madaxweyne Farmaajo, ayaa madaxda dowlad-gobolleedyada dalka ku martiqaad shir ka furmaya caasimadda Muqdisho 19ka illaa 23 bishan April,iyadoo warar horu-dhac ah ay sheegeen inay hoggaamiyeyaasha aqbaleen martiqaadka.

4/7/2019 2:35 AM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Iyadoo maalintii shalay uu buuq ku soo dhamaaday kulankii Golaha Shacabka, ayaa dhinaca kale waxaa soo ifbaxayay eedeymo culus oo ay warbaahinta u isku mariyeen gudaha xarunta xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka.

4/7/2019 2:20 AM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Xoogag ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaano hor leh oo ka tirsan gobalka Jubbada Hoose.

4/7/2019 1:45 AM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah hay’addaha samafalka in ay musuq maasuq ku sameeyaan deeqaha loogu talagalay dadka beeraleyda ah.

4/7/2019 1:31 AM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Dagaalka ka soconaya nawaaxiga caasimada Tripoli ayaa sii xoogeystay , iyada oo wararku ay sheegayaan in ciidamo daacad u ah Gen Khalifa Haftar ay ka galeen magaalada saddex jiho.

4/7/2019 1:17 AM EST
Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Taliye ku-xigeenka ciidamada Booliiska Soomaaliyeed Gen Zakiya Xusseen Axmed oo warbaahinta kula hadashay magaalada Muqdisho ayaa sheegtay in ciidamada dowladda howlgal ay sameeyeen ku soo qabteen xubno ka tirsan Ururka Al-shabaab iyo walxaha qarxa.