4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
Hay’addo lagu eedeeyay in ay musuqmaasuqaan deeqaha loogu talagalay dadka beeraleyda ah

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa ku eedeeyay qaar ka mid ah hay’addaha samafalka in ay musuq maasuq ku sameeyaan deeqaha loogu talagalay dadka beeraleyda ah.

Wasiir ku xigeenka Beeraha iyo Waraabka Maamul goboleedka Hirshabelle xildhibaan Maxamed Bashiir Qaasim Daqarre ayaa sheegay in wasaaradiisu ogaatay in hay’adaha qaarkood ay musuq maasuq ku sameeyeen deeqaha loogu talo galay dadka Beeraleyda ah.

Wasiirka ayaa sheegay in ay hay’addaha 30% oo kaliya gaarsiiyaan dadka beeraleyda ah gargaarka ama deeqaha loogu talagalay isaga oo arintaana digniin ka soo saaray.

‘’Waxaan ugu digeynaa gaar ahaan madaxda hay’addaha samafalka in ay musuq-maasuqaan gargaarka yar ee lagu caawiyo dadka beeraleyda ah’’ ayuu yiri Wasiir Daqarre.

Ma uusan sheegin magacyada hay’addahan uu tilmaamay balse wuxuu sheegay in ay ka warhayaan hay’addahan tallaabooyinka ay qaadayaan.

Dadka ku dhaqan maamul gobolleedka Hirshabeelle ayaa intooda badan ah dad beeraley ah, kuwaa oo u baahan in laga saacido sidii ay ugu fududaan laheyd tacabka dhulka. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]