4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
Kheyre iyo wafdi uu horkacayo oo u anbabaxay dalka Mareykanka

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Ra’iisul Wassaarha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xassan Cali Khayre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Mareykanka.

Xassan Cali Khayre iyo wafdigiisa ayaa halkas waxa ay kaga qeyb-galayaan shir looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin deyn cafinta Soomaaliya.

Ra’iisal Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa inta ay Mareykanka joogaan waxaa ay kulamo la yeelanayaan hay’adaha maaliyadda ee caalamiga ah, saraakiil sare oo ka tirsan dawladda Mareykanka iyo qayba kale oo ka mid ah bah-wadaagta Soomaaliya, si loo dar-dar-geliyo ajandaha Qaran ee dib-u-habaynta hay’adaha dawladda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]