4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
Ciidamada dowladda oo soo xiray Iimaankii Masjidka Abuu-Hureyra ee magaalada Muqdisho

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Sida ay warbaahinta u sheegeen dad goobjoogayaal ah ciidamada dowladda ayaa howlgal ay ka sameeyeen Masjidka Abuu-Hureyre ee magaalada Muqdisho  ku soo qabteen Imaamkii Masjidka.

Masjidkan oo ku yaala gudaha Suuqa Weyn ee Bakaaraha ayeey goobjoogayaashu sheegeen in kaddib salaadii casir ee maanta  ciidamadu xireen Macalin Cabdiraxmaan Guure oo ahaa Imaamka Masjidka.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay hay’addaha Amaanka oo la xiriira xariga Imaamka Masjidka Abuu-Hureyra.

Ciidamada dowladda ayaa maalmihii ugu danbeeyayba howlgalo ka waday qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho iyo qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]