4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
Wiil 5 sano jir ah oo lagu dilay ''gowracay'' xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne

 

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in wiil 5 sano jir ah lagu gowracay gurigooda xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne, kaddib markii uu weeraray qof Tooray watay.

Qureesh Maxamed Axmed oo ah hooyada dhashay wiilka yar ee la gowracay ayaa sheegtay in wiilkeeda uu dhiganyey dugsi Qur’aan iyadoona ka maqan gurigana la dilay.

‘’Nin watay Toorey ayaa carruurta ugu galay guriga aniga oo ka maqan sidaa ayuuna ku dilay wiilka yar ayeey tiri Hooyo Qureesh.

Dhacdadan ayaa noqotay mid ugub ku ah guud ahaan gobolka ayaa  nadin walaac ku abuurtay qoysas badan oo ku dhaqan magaalada.

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo maamulka gobolka iyo hay’addaha Amniga qaabilsan oo la xiriira dhacdadan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]