4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 7 , 2019
Madaxda dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka oo bishan uu Muqdisho shir uga furmayo

Axad, April, 07, 2019 (HOL)- Madaxweyne Farmaajo, ayaa madaxda dowlad-gobolleedyada dalka ku martiqaad shir ka furmaya caasimadda Muqdisho 19ka illaa 23 bishan April,iyadoo warar horu-dhac ah ay sheegeen inay hoggaamiyeyaasha aqbaleen martiqaadka.

Kulanka waxaa la sheegay in lagu raadinayo sidii xal loogu heli lahaa khilaafka labada dhinac,waxaana la sheegay in looga hadli doono ajandayaal degdeg ah, sida Amniga Qaranka, xoojinta xiriirka dowladda Federaalka iyo dowlad gobolleedyada, dib u dhiska Ciidammada Soomaaliyeed, dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab iyo Daacish,sida laga soo xigtay La-taliyaha Amniga Qaranka ee madaxweynaha,Cabdisaciid Muuse Cali.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Deni ayaa ka mid ah madaxda dowlad-gobolleedyada ee shirka ka qaybgalaya,waxaa markii u horreysay oo uu tagayo Muqdisho iyo kulankii u horreyay ee rasmi ah ee uu ka qaybgalayo kaas oo u dhaxeeya madaxda dowlad-gobolleedyada iyo dowladda federaalka.

Shirkii u dambeeyay ee madaxda dowlad-gobolleedyada wuxuu ka dhacay Baydhabo bishii June ee sannadkii hore,wixii xilligaas ka dambeeyay wax shir ah oo ay yeesheen Golaha Amniga Qaranka ma jirin.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]