4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo gaaray magaalada Bujumbura caasimada dalka Burundi

 

Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Burundi ee Bujumbuura iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza.

Dalka Burundi ayaa waxaa uu ka mid yahay wadamada ay ciidamadooda joogaan dalka Soomaaliya kuwaasoo dadaalka qayb ka ah Ciidamada Nabad Ilaalinta ee AMISOM.

Booqashada wafdigan uu horkacayo Madaxweyne Farmaajo ee dalka Burundi ayaa ku soo beegmaya toban maalmood ka hor xilli la sheegay in ciidamo gaaraya kun askari oo ka socda dalka Burundi qeybna ka ah ciidamada Nabad ilaalinta AMISOM laga saarayo dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]