3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2019
Ganacsatada Qaadka Kenya : Kuma iibsaneyno madax-bannaanideena dhuleed ganacsiga Qaadka’’

 

Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya.

Ganacsatada Qaadka Kenya ayaa maalinta walba u soo dhoofiya Soomaaliya 50 tan , iyadoo dowladda Kenya ay ka hesho suuqa Qaadka ee Soomaaliya 100 milyan oo Kenya shilling ah.

“Kuma iibsan karno Qaad madax bannaanida dalkeenna.. Soomaliya waxay mar walba ku gooddisaa inay joojinayso Qaadka Kenya , si ay usoo jeediso dareenka dowladda” sida waxaa yiri afhayeenka ganacsatada Qaadka Kenya, Kimithi Munjuri.

Waa markii ugu horeysay oo go’aan noocan oo kale ah ay gaaraan ganacsatada Qaadka ee Kenya, iyadoo la og yahay in Soomaaliya tahay lafbarka ugu weyn marka la eego dhaqaalaha Kenya ka soo gala ka ganacsiga caleenta Cagaaran ee ‘’Qaadka’’

Dowladda Soomaaliya ma aysan soo hadal qaadin marnaba in ay jareyso xiriirka ganacsi ee kala dhaxeeya dowladda Kenya oo kan ugu weyn yahay Qaadka si joogta ah looga soo dajiyo guud ahaanba dalka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/18/2019 1:26 PM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Burundi ee Bujumbuura iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza.

2/18/2019 10:08 AM EST
Isniin,Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo dhawaan laga kordhiyey cisbitaalka Hargeysa, kuwaas oo wax weyn ka tari doona baahiyaha uu cusbitaalku qabo.

2/18/2019 10:04 AM EST
Isniin,Feberaayo, 18, 2019 (HOL) - Isuduwaha wasaaradda Beeraha gobolka Sool ayaa soo saaray qoraal lagu joojinayo dhulka xidhmooyinka ah ee laga sameeyey guud ahaan gobolka Sool.

2/18/2019 8:35 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Waxaa maanta caasimadda DDS ee Jigjiga booqasho ku timid Zinash Tayajaw oo ah xaaska Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiyi Axmed.

2/18/2019 7:07 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo jowhar.

2/18/2019 5:42 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

2/18/2019 4:40 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Wasiiru dowlaha arimaha dibada Somaliya Abbdikadir Sh.Amed oo soo gaaray magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Jaaliyadda gobolkan waxaana mudadii kulanka uu ka warbixiyay xaalada dalka guud ahaan iyo marxaladihii ay dowladu soo martay mudada labada sano ahayd ee ay jirtay

2/18/2019 12:52 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox burcad Koonfur Africaan ah halkaa ku dileen ganacsade Soomaaliyeed.

2/18/2019 12:37 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiisan magaalada Muqdisho, iyaga oo u diidaya gaadiidka dadweynaha in ay jidadkaa isticmalaan.

2/18/2019 12:22 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Dowladda Kenaya ayaa lagu waramayaa in ilaa saddex qodob ku xirtay marka hore in ay dowladda Soomaaliya fuliso si xal looga gaaro khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhax-galay.