3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2019
Kenya oo saddex qodob ku xirtay xalinta khilaafka kala dhaxeeya Soomaaliya

 

Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Dowladda Kenaya ayaa lagu waramayaa in ilaa saddex qodob ku xirtay marka hore in ay dowladda Soomaaliya fuliso si xal looga gaaro khilaafka Diblomaasiyadeed ee soo kala dhax-galay.

Qodobka Koowaad : - Ayeey Kenya ku sheegtay in dowladda Soomaaliya sida ugu dhaqsiyaha badan uga saarto qariirada qeybaha xudduud baddeedkeeda ka mid ah ee lagu soo bandhiga shirkii 7dii Feberaayo ka dhacay magaalada London ee lagu soo bandhiga sahminta shidaalka Soomaaliya.

Qodobka Labaad :- Ayaa in ah in dowladda Soomaaliya ku war-galiso dhamaanba shirkaddaha ku howlan baayicida xirmooyinka la soo bandhigay in Soomaaliya dhulkaasi laheyn.

Qodobka Saddexaad :- Ayaa ah in dowladda Kenya ka dooneyso Soomaaliya in wada xaajood ka galaan arinta ku saabsan muranka xudduud baddeedka ee u dhaxeeya labada dowladdood iyada oo meel leyska dhigayo dacwadda hadda hortaala maxkamadda cadaallada  dunida ee ICJ.

Kenya ayaa ka dooneyso Soomaaliya in ay fuliso dhamaaba sharuudahan ku xiran wada hadal lagu dhameeyo khilaafka jira, kaddib markii maalintii shalay dowladda Soomaaliya dhankeeda si taxadar leh uga hadashay muranka soo cusboonaday ee kala dhaxeeya Kenya.

Qoddobka ku saabsan in wada hadal laga galo arintan badda iyada oo laga talaabayo maxkamada ICJ, ayaa u muuqda mid adag, madaama marar badan oo hore dowladda Soomaaliya ku celcelisay in ay ku qanci doonto go’aanka ka soo baxa maxkamadda wixii intaa ka horeeyana aan laga wada hadli karin khilaafka arintan ku saabsan.

Soomaaliya waxaa ay sheegtay in marnaba aysan qandaraas ku bixin xidhmooyin dhuleed, qorshahana ugu jirin in ay ku bixiso wax xidhmooyin gaaska ah oo ku yaalla degaanka lagu muransan yahay ilaa inta maxkamadda caalamiga ah ee ICJ ay go’aan ka gaareyso.

Sabtidii ayuu murankan soo baxay, markii Kenya ay go’aansatay in ay xiriirka diploimaasiyadeed u jarto Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
2/18/2019 1:26 PM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray caasimada dalka Burundi ee Bujumbuura iyadoo garoonka diyaaradaha uu ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Burundi Pierre Nkurunziza.

2/18/2019 10:08 AM EST
Isniin,Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Xadhigga ka jaray dhismeyaal cusub oo dhawaan laga kordhiyey cisbitaalka Hargeysa, kuwaas oo wax weyn ka tari doona baahiyaha uu cusbitaalku qabo.

2/18/2019 10:04 AM EST
Isniin,Feberaayo, 18, 2019 (HOL) - Isuduwaha wasaaradda Beeraha gobolka Sool ayaa soo saaray qoraal lagu joojinayo dhulka xidhmooyinka ah ee laga sameeyey guud ahaan gobolka Sool.

2/18/2019 8:35 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Waxaa maanta caasimadda DDS ee Jigjiga booqasho ku timid Zinash Tayajaw oo ah xaaska Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiyi Axmed.

2/18/2019 7:07 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo jowhar.

2/18/2019 5:42 AM EST
Khamiis, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u ambabaxay dalka Burundi, kaddib martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa dalkaas.

2/18/2019 4:40 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Wasiiru dowlaha arimaha dibada Somaliya Abbdikadir Sh.Amed oo soo gaaray magaalada Columbus Ohio ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay Jaaliyadda gobolkan waxaana mudadii kulanka uu ka warbixiyay xaalada dalka guud ahaan iyo marxaladihii ay dowladu soo martay mudada labada sano ahayd ee ay jirtay

2/18/2019 1:20 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Ganacsatada Qaadka ee Kenya ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay joojiyaan Qaadka ay u dhoofiyaan Soomaaliya, haddii ay dowladda Soomaaliya sii wado muranka dhinaca sohdinta badda iyo xiisadda diblomaasiyadeed ee labada dal u dhaxeeya.

2/18/2019 12:52 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox burcad Koonfur Africaan ah halkaa ku dileen ganacsade Soomaaliyeed.

2/18/2019 12:37 AM EST
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiisan magaalada Muqdisho, iyaga oo u diidaya gaadiidka dadweynaha in ay jidadkaa isticmalaan.