4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2019
Qeybo ka mid ah jidadka Muqdisho oo saakay xiran

 

Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xiray qeybo ka mid ah jidadka ugu muhiisan magaalada Muqdisho, iyaga oo u diidaya gaadiidka dadweynaha in ay jidadkaa isticmalaan.

Waxaa xiran oo aysan isticmaali karin gaadiidka Wadada Wadnaha,30-ka iyo qeybo ka mid ah Jidka Warshadaha, oo dhamaanba marka la eego muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Lama shaacin sababta rasmiga ah ee loo xiray jidadka hasse ahaatee warar qaar ayaa sheegay in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya maanta ka qeybgali doonaan munaasabado lagu dhagax dhigayo jidadka muhiim ah oo caasimada ku xira gobollada labada Shabeelle.

Ciidamada ayaa iska hortaagaya gaadiidka dadweynaha isticmaalka jidadka, waxaana ay dadku u lugeynayaan goobahooda shaqo iyo waxbarasho ee ku yaala aagagga aan la ogoleyn in ay gaadiidku maraan.

Shacabka reer Muqdisho ayaa dhibaato weyn ku qaba marka la eego xirista jidadka xiliyada shaqada, madaama horay dhagaxaan waaweyn loogu jiray jidad isticmaalkoodu u wanaagsanaa dadka iyo gaadiidkaba kuwaa oo la sheegay la sheegay in loo xiray sababo la xiriira amniga.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]