
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Waxaa maanta caasimadda DDS ee Jigjiga booqasho ku timid Zinash Tayajaw oo ah xaaska Ra'iisal wasaaraha dalka Itoobiya, Abiyi Axmed.
newsinside Zinash Tayajaw ayaa markii ay kasoo degtay garoonka
diyaaradaha ee Jigjiga ayaa waxaa garoonka kusoo dhaweeyay madaxwaynaha
DDS Mustafe Muxumed.
Haddaba
intaa kaddib ayaa xaaska Ra'iisal wasaaraha Itoobiya waxay dhagax
dhigtay Dugsi sare oo dhawaan Jigjiga laga dhisayo looguna magac daray
"Camaje Yogol". oo ahaa abwaan Soomaaliyeed oo degaanka u dhashay.
Xaaska
Ra'iisal wasaaraha Itoobiya ayaa sidoo kale soo booqatay goobta ay
kasocoto bandhiga carwada loogu talagalay xuska magaalooyinka oo maraya
maalintiisii 3aad.

Dadka
degaanka u dhashay ayaa guul ku tilmaamay arrintan maanta lagu dhagax
dhigayo dugsigan, waxayna noqonaysaa tallaabo wanaagsan oo dhanka
waxbarashada loo qaaday, iyadoo dawladda fadaraalka Itoobiya ay soo
jiidatay qaabkii uu degaanka Soomaalidu isugu hawlay sidii degaanka
looga hirgalin lahaa isbadal dhinac kasta ah, waana mida keentay in lagu
qabto xuska magaalooyinka dalka.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]