Ra'iisal wasaare kheyre oo xariga ka jaray mashruuca dhismaha jidadka isku xira Muqdisho, Jowhar iyo Afgooye
Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)-Ra”iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa maanta daah furay bilaabashada mashruuc lagu dhisayo waddooyinka xiriiriya Muqdisho,Afgooye iyo jowhar.
Dowladad Federaalka Soomaaliya iyo shirkad laga leeyahay dalka
Turkiga oo ku guuleysatay dhismaha waddooyinkan ayaa kala saxiixday
heshiis ku aadan sidii loo dhisi lahaa wadooyinkan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare,iyo
Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed
Lafta-gareen ayaa goob joog ka ahaa madasha heshiiska lagu kala
saxiixday.
Dowladda Qadar ayaa maalgelineysa dhismaha waddooyinkan isku xira
magaalooyinka Muqdisho,Afgooye iyo Jowhar oo ka kala tirsan Gobolada
Banaadir iyo Labada Shabeelle.
Dhismaha wadooyinkan ayaa waxay muhiim u yihiin isku socodka
gaadiidka dadweynaha iyo kuwa xamuulka qaada,kuwaasi oo dhibaato weyn ku
qabay bur burka wadada.
C/raxmaan Diini,
Hiiraan Online
[email protected]