4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Feb 18, 2019
Ganacsade Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay dalka Koonfur Africa

 

Isniin, Feberaayo, 18, 2019 (HOL)- Wararka ka imanaya dalka Koonfur Africa ayaa sheegaya in xalay koox burcad Koonfur Africaan ah halkaa ku dileen ganacsade Soomaaliyeed.

Marxuumka oo lagu magacaabi jiray Yuusuf Maxamed Ibraahim ayaa lagu dilay sida wararku sheegayaan xaafadda New Brighton magaalada Port Elizabeth ee Gobolka Eastern Cape.

Burcadii dilka ka danbeysay ayaa la sheegay in ay goobta isaga cararreen, waxaana halkaa tagay qaar ka mid ah ciidamada Amniga iyo xubno ka tirsan jaaliyadda dalkaasi Koonfur Africa.

Guud ahaan marka la eego dalka Koonfur Africa waxaa joogta ah dilalka lagula kaco muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalkaa ku heystay ganacsiyada kala duwan, ilaa iyo haddana ma jirto tallaabo muuqata oo ay dowladda Koonfur Africa arintan ka qaaday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]