
Isniin,Feberaayo, 18, 2019 (HOL) - Isuduwaha wasaaradda Beeraha gobolka Sool ayaa soo saaray qoraal lagu joojinayo dhulka xidhmooyinka ah ee laga sameeyey guud ahaan gobolka Sool.
newsinside Qoraalkan oo qeexaya dhulbeereedka dhulka aan lagu bixin sifo sharci ah laga bilaabo maanta la baabiinayo iyadoo gaadiidka ka qayb qaatana ka ganaaxayo ayuu qiraalkiisa ku sheega.
Qoraalkan
ayaa waxaa sabay kadib markii duleedka magaalada Tukaraq dad badani
xidheen taas oo kicisay dadka degaanka oo maalmihii la soo dhaafay
xiisad xooglihi ka taagnayd.
Dadka dhulka xidhanaya
oo u badan ganacsatada ayaa qorshayaal kala duwan ka damacsan dhulka ay
xidhanayaan iydoo qaar ganacsatada ka mid ah ay xoolo ku xeraynayaan,
halka qaar kalena ay caan ku yihiin kaydsiga dhulka, qaarkalena
dhulbeereed ayay rabaan.
Si kastaba ha ahaatee
khilaafka xidhmooyinka dhulka ah ayaa sanadihii la soo dhaafay aad u
hadheeyey guud ahaan gobolka Sool iyo degaanada ku xeeran, waana arin
aan weli fahan mid ah laga qaadan.