4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Ciidamada dowladda oo howlgal ku dilay 16 xubnood oo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab

 

Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) –Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa howlgal militari oo ay ka sameeyeen deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellaha hoose ayaa ku dileen ilaa 16 ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab sida lagu shaaciyay qoraal la soo dhigay bogga Twitter -ka ee taliska ciidamada xoogga dalka.

Gaar ciidamada ayaa howlgalkan ka sameeyayn deegaanka Shaam ee dhaca galbeedka inta u dhaxeysa Bariire iyo Awdheegle oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada dowladda.

Howlgalka ciidamada dowladda oo sababay iska horimaad xooggan oo dhaxmara labada dhinac ayaa warar hoose oo soo baxaya waxaa ay sheegayaan in ay ku dhinteen ilaa Lix Askari oo ka tirsan ciidamada.

Dowladda ayaa dhawaan la wareegtay deegaanka Aw-dheegle iyo deegaanno kale oo hoosyimaada gobolka oo ay horay u maamuli jireen Al-shabaab.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]