4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Axmed Madoobe " Dowladda waxaan kula talinayaa in ay shacabka u deyso rabitaakooda

 

Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Axmed Madoobe) oo jeediyay khudbad ku aadan munaasabada Ciidda ayaa ugu baaqay dowladda federaalka in ay fara-galinta ka  deyso Jubbaland.

‘’Dowladda Soomaaliya waxaan leeyahay Umadda haloo daayo waxa ay masiirkeeda kaga tashaneyso, doorka ay ku leedahay waa loo ogol-yahay, laakiin waa in ay u deysaa shacabka rabitaankooda, micno badan ma sameyneyso teyda ayaa soconeysa haddii kale wax walba waan bur burinayaa ayuu yiri’’ Axmed Madoobe.

Doorka uga bannaan dowladda arrimaha Jubbaland ayuu ku sheegay kaliya in ay gacan ku siiyaan shacabka sidii ay u meel-marin lahaayeen rabitaankooda una qabsan lahaayeen howlaha horyaala.

‘’Dowladdu waa in ay gacan ku siisaan shacabka in ay qabsadaan howlaha horyaala, laakiin yaan la oran Anniga ayaa sidan raba, sidan haddii aan la yeelin in ay gubato ayaa ka fiican, waa in wixii shalay la soo dhisay la burburin, ‘’ ayuu hadalkiisa sii raaciyay madaxweynaha dowlad gobolleedka Jubbaland.

War qoraal ah oo dhawaan ka soo baxay Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in dowladda Soomaaliya marnaba aqbali doonin natiijo kasta oo ka soo baxday doorashada Jubbaland haddii aan la raacin qoddobo ay soo jeedisay Wasaarradda.

Musharixiinta Jubbaland ayaa laftirkooda shaki badan ka qaba doorashada dhamaadka bisha Augusto la filayo in ay ka dhacdo Kismaayo, waxaana ay dhawaan soo saareen sharuudo ay ku xirayaan ka qeybgalkooda doorashada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]