Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-War qoraal ah oo ka soo baxay xafiiska madaxtooyada Hirshabelle ayaa lagu yiri Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka ku dhaqan deegaannada Hirshabeelle loogu hambalyeeyay munaasabada Ciidul Adxaa.
Madaxweynaha ayaa sheegay in
maalmaha farxadeed awgeed loo baahan yahay in ay is cafiyaan dhammaan Umadda
Soomaaliyeed, islamarkaana laga farxiyo dadka dan-yarta ah iyo ubadkeena soo
koraya.
‘’ Illaah waxaan ka baryayaa in
sanadkaan sanadkiisa kale nagu gaarsiiyo nabad-gelyo, Horumar, Wadajir,Midnimo
iyo inaan ka shaqeyno midnimadeena iyo horumarkeena‘’ ayuu yiri madaxweyne
Waare.
‘’ Waxaan rajeynayaa in Soomaaliya
wanaagsanaato, in Soomaaliya horumarto, in Hirshabeelle meesha ay hada joogto
sanandka dambe meel ka fiican ay gaarto dhanka horumarka iyo nabad-gelyada ‘’ ayuu
hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Waare.
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle
waxaa uu sidoo kale baaq nabadeed oo ku aadan joojinta colaad beeleedyada
mararka qaar Hirshabelle ka dhaca in lagu bedelo walaalnimo iyo wax wada qabsi.
‘’ Waxaan rajeynayaa in caqligu
shaqeeyo , waxaana rabaa inaan ku booriyo cilimo udiinka, madax dhaqameedka,
ganacsatada , waxgaradka reer Hirshabelle inay u kacaan sidii ay uga qeyb
qaadan lahaayeen Horumarinta dowladnimada’’ayuu yiri madaxweynaha Hirshabelle.
Ugu dambeyntii Madaxweyne Waare Waxaa
uu hambalyada Ciida Carrafo u diray guud ahaan ciidamada qalabka sida ee
Soomaaliyeed, kuwa Hirshabeelle, iyo ciidamada AMISOM ka howlgala Hirshabeelle gaar
ahaan ciidamada Hiil Walaal ee Jibuuti iyo shacbiga walaalaha Jabuuti, isagoo u
rajeeyay caafimaad qab iyo horumar.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]