4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Shacabka Muqdisho oo u damaashaad tagay deegaanka Daaru-Salaam ee magaalada Muqdisho


Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) - Kumannaan ruux oo ka mid ah dadka ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa u dukasho iyo damaashaad tegey deegaanka casriga ah ee Daaru-salaam oo ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Dadkan oo ka kala yimid Degmooyinka gobolka Banaadir iyo deegaannada ku hareereysan ayaa Salaadda Ciidda ku Oogey Barxadda weyn ee Masjidka Daarusalaam, iyagoo kadibna u dareeray in ay ku damaashaadaan Beerta dalxiiska ee Daaru-salaam oo si weyn loogu qalabeeyey Agabka ay carruurtu ku ciyaaraan iyo goobo nasiino oo loogu talo galay dadka waaweyn.

Qaar ka mid ah dadka u damaashaad tagey deegaankaan oo sheegay in ay sheegay in ay ku faraxsan yihiin in munaasabada ciida awgeed ay damaashaad u qaataan xaafadda Daaru-Salaam oo u diyaarsan madadaallada carruurta.

Guddoomiyaha deegaanka Daaru-salaam Maxamed Sheekh Maxamuud oo  sheegay  in ay heegan ugu jiraan sidii ay u dabooli lahaayeen baahida macaamiisha u soo dalxiis tagtay deegaanka, wuxuu sidoo kale xusay in ay soo kordhinayaan qalab cusub oo isugu jira nuuca ay carruurta iyo dadka waaweyniba aya ku ciyaaraan.

Daaru-Salaam ayaa ka mid ah deegaannada ay dadku u dabaashaad tagaan munaasabada Cidda, waxaa ay can ku tahay in dadweynaha ku nool Muqdisho iyo hareereheeda u dilxiis tagaan xiliyada Ciidaha, iyadoo haatanna lagu soo kordhiyey adeegyo dheeri ah oo loogu tallo galay dadka usoo damaashaad taga Daaru-salaam City.

Deegaankan oo kooban xaafado si casri ah loo dhisay, beero lagu dalxiiso, goobo wax barasho, Suuqyo iyo xarun laga dhaliyo Korontada ayaa waxaa maal geliyey Bangiga Salaam Somali Bank.

Guud ahaan dunida Muslimka ayaa maanta siweyn looga dabaal-dagay munaasabada Ciidul-Adxaa gaar ahaan dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]