4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Madaxweyne Farmaajo oo Salaadda Ciidda Carrafo saakay la tukaday qaar ka mid ah mas'uuliyiinta dowladda


Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL) -Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa salaadda Ciidda Carrafo boqolaal kamid ah shacabka Soomaaliyeed kula tukaday Masjidka Shuhadada magaalada Muqdisho.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carrafo, isaga oo xujayda sannadkan gudanaya waajibaadka xajka Eebbe uga baryey in uu ka aqbalo acmaashooda suubban.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iscaawiyaan si farxadda ciiddu ay u wada gaarto dhammaan bulshada.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo iyo isku duubni, isagoona ku boorriyay inay dowrkooda ka qaataan dib u dhiska dalka iyo la dagaallanka cadawga qawleysatada ah ee u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]