4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Wasiir Sadiiq Warfaa oo boqollaal dadweyne ah kula tukaday Salaadda Ciidda Carafo degmada Galdogob ee gobolka Mudug


Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)- Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xildh. Sadiiq Xirsi Warfa ayaa maanta boqollaal dadweyne ah salaadda Ciida Carafo kula dukaday degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Wasiir Warfaa , ayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo ummadda Muslimiinta ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidda Carafo,wuxuuna bulshada degmada Galdogob iyo guud ahaan umadda Soomaaliyeed ugu baaqay midnimo iyo wadajir ah in looga shaqeeyo sidii uu dalka usoo kaban lahaa.

"Waxaan go'aansaday inan fasaxa Ciidda uga faa'iideysto inan waqti la soo qaato dadka iyo deegaanka aan ku matalo dowladda dhexe ee gobolka Mudug, waxaan aad idin kugu boorrinaya midnimo iyo wadajir..
waxaan doonaya inan ugu baaqo qof walba doorka uu leeyahay inuu ka qaato dadaalka dib loogu dhisayo dalkeenna." ayuu yiri wasiir Sadiiq Warfaa.


Wasiirka ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay inay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, wuxuuna inta kaddib socod lug ah ku maray qaybo ka mid ah degmada Galdogob, isagoo marka booqday goobaha nasashada iyo dalxiiska loo tago ee degmada, halkaa oo uu hadallada dhiirrigalin iyo marxabeyn ah kula wadaagay qaybaha bulshada ee degmada oo dhallinyarada ay ugu horreeyaan.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]