SAYLICI “ Hadii 28 sannadood qabyaaladi cagaha ina hayn maanta halka aynu joogno toban laabkeed ayeynu joogi lahayn”
Axad, August, 11, 2019 (HOL – Shacabka Somaliland ayaa maanta si weyn loogu ciiday ciidal Adxa oo ka mid ah labadda ciidood ee islaamka ugu weyn.
Hiirtii waaberi ee saaka ayaa
dadweynuhu u dareereen garoomada waaweyn ee lagu oogayo salaadda Ciidda, markii
la soo tukaday laba ragcadood ee salaadda Ciida waxay dadweynuhu u dareereen
xaafadihii si ay usoo quraacdaan, halka
qaarkood suuqa buux dhafiyeen, waxaanay dadka wajiyadooda laga dareemayey
farxada iyo nuurka ka muuqda, iyadoo qof walba qof kale ku salaamayey Ciid
mubaarak iyo ciid wanaagsan.
Wadooyinka iyo goobaha lagu nasto
waxa buux dhaafiyey caruur loo soo xidhay labisyo qurux badan, kuwaas oo ay la
dabaaldegayeen waalidiintood.
Saaka waxa salaadda la tukaday
masaajidka weyn ee masjid jaamaca badhtamaha Hargeysa, ku simaha madaxweynaha
ahna ku xigeenka madaxweynaha C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, waxaanu
dadweynaha islaamka ugu hambalyeeyey munaasibada ciida darteed.
Sidoo kale, waxa uu ka hadlay
dhibaatada ay leedahay qabyaaladu iyo sida aanay qaranka iyo qabyaaladi meel
usoo wada gali Karin, waxaanu dadweynaha ku baraarujiyey in qabyaalada la iska
fogeeyo oo qaranka lala shaqeeyo.
“nimcada aynu haysanno aanu ilaahay
ugu mahadnaqno, abaarihi soo noqon noqon jirey sanadkan waa laga nastay oo
barwaaqo ayeynu ku jirnaa, ilaahay sidaas ha inoogu waddo, qaranku wuxuu ku
dhismaa in qabyaalad laga tago, dimuqradiyad aynu qaadanay waxa laga soo
dheegtay uun sida diinteenu ina farayso in qof kasta oo dunida ku nooli uu xaqiisa helo,
xoriyadiisa helo, naftisa iyo maalkiisa lagu xadgudbi Karin intaas yey
diinteenuna ina fartay oo dimuqradiyaduna ina fartay.”ayuu yidhi madaxweyne ku
xigeenku Saylici.
Mar uu dadka ka dhibaatadda
qabyaalada wuxuu yidhi “Waynu faanaa oo qaran 28 sanno horumar ku jiray baynu
ahayn oo markaynu aragno qaran 28 sanno burbursana oo walaaladeen ah ayeynu isku aragnaa inaynu
horumar weyn gaadhnay, laakiin hadii 28 sanno qabyaaladi cagaha ina hayn maanta
halka aynu joogno toban laabkeed ayeynu joogi lahayn, hadii aynu nahay madax
iyo mijiba aynu gacmaha isku qabsano
halkii uu doonayey inaanu gaadhsiino ilaahayna la kaashano himiladeena ah
inaynu noqono qaran madax banaan, hadii niyadeenu wada fiican tahay waxba inaga
xumaan mayno,marka danta guud hagaagto ayey ka gaarkuna hagaagayaa, waana doon
la wada saaran yahay oo loo baahan yahay in la wada badbaadsado.
Markii salaadda laga soo baxayna
waxa dadweynaha qaarkood salaan iyo bariidin ugu tagayeen guriga madaxtooyada
madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi dadweynaha ku qaabilayey.
Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.