Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)- Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa shacabka weynaha caasimadda Garoowe kula oogey salaadda Ciidul Adxaha garoonka kubadda cagta Mire Awaare.
newsinsideMadaxweyne Ku-xigeenka Puntland ,Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa sidoo kale la oogey salaadda ciidda shacabka, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha maamulka , isimmo, nabadoonno, waxgarad, siyaasiyiin iyo masuuliyiin kale ayaa qayb ka ahaa munaasabadda.
Madaxweynaha Puntland ayaa dhammaan ummadda islaamka ah, ummadda Soomaaliyeed iyo shacabka reer Puntland-ba ugu hambalyeeyey munaasibadda farxadda ciidul adxaha.
Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]






