4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Aug 11, 2019
Madaxda ugu sareysa dalka oo Shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeysay munaasabada Ciidul-Axdaa

 

Axad, Augusto, 11, 2019 (HOL)-Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ugu hambalyeeyay shacabka Soomaaliyeed munaasabadda maalinta koowaad ee  Ciidul Adxaa.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay mudnaanta gaarka ah ay leeyihiin  maalmahan barakeysan ee bisha Carafa oo astaan u ah isu-naxariisashada,  ilaalinta danta guud iyo midnimada dadka muslimiinta.

“Maalmahan barakaysan ee bisha Carrafo waa maalmo ku weyn diinteenna iyo dhaqankeenna, waa maalmo ay kumannaan muwaadiniinteenna ah u jiheystaan sanad kasta, gudashada waajibaadka Xajka iyagoo naftooda, dadkooda iyo dalkoodaba Alle uga barya naxariis, barwaaqoiyo wanaag oo idil”. 

Madaxweynaha waxaa uu ugu hambalyeeyay geesiyaasheenna ciidammada Qalabka Sida ee ku sugan furimaha dagaalka, guulaha isdaba  joogga ah ee ay ka soo hooyeen hawlgaallada ay dalka kaga xoreynayaan  argagixisada Al-shabaab.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa hambalyad ku aadan Ciidul-Adxaa u diray shacabka  Soomaaliyeed, isagoo u rajeeyay shacabka in sanadkan kiisa kale ku  gaarsiiyo bash bash iyo barwaaqo.

 C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]