3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Xukuumadda Soomaaliya oo isku raacday ka mid noqoshada Axdiga QM ee xuquuqda naafadda

 

Khamiis, September. 20, 2018 (HOL) - Golaha Wasiirrada Soomaaliya ayaa kulankoodii maanta ay ku yeesheen Muqdisho waxaa ay ku oggolaadeen in dawladda Soomaaliya ay qayb ka noqoto axdiga qaramada midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah kaas oo golaha ay u soo gudbisay wasaaradda haweenka iyo horumarinta xuquuqul Insaanka.

Wasiir ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo dalxiiska XFS, Aadan Isxaaq, ayaa sidoo kale sheegay in shirka oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre lagu ansixiyay istaraatiijiyadda wacyi gelinta qaranka iyo tubta amniga iyo caddaaladda loogana dooday qorsha cusub ee amniga, sharciga taya-dhawrka, hab-raaca heshiisyada iyo hantida ma guurtada ah ee dawladda.

Xukuummadda federaalka Soomaaliya oo ku dadaalaysa in qof kasta oo Soomaali ah uu helo xuquuqda uu xaqa u leeyahay ayaa qorshaynaysa in ay qayb ka noqoto dadaallada loogu jiro in dadka baahiyaha gaarka ah qaba ay helaan xuquuqdooda.

Axdiga Qaramada Midoobay ee xuquuqda dadka naafada ah, ayaa lagu ansixiyay xarunta qaramada midoobay ee New York December 13, 2006, waxaana dalalkii ugu horeeyay ay saxiixeen March 30, 2007.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]













Click here
9/20/2018 3:57 PM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL) –Waa dhacdo naxdin leh oo dhinaca kale ku tuseysa heerka uu gaarsisan yahay arinka ku saabsan heyb sooca iyo in qofka lagu faquuqo Qabiilka uu ka soo jeedo Soomaalida dhaxdeeda.

9/20/2018 11:26 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)-Shirkii golaha wasiiradda Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo ku saabsan safarka uu madaxweynaha Maamulka Puntland ku yimid magaaladda Badhan iyo xeerar cusub oo golaha wasiiradu ansixiyeen.

9/20/2018 11:04 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)- Munaasabad ay ka qeybgaleen maamulka degmada Beledweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu daah –Furay xarun uu yeelanay Xisbiga Daldhis.

9/20/2018 9:31 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)- Saacadihii ugu danbeeyay baraha bulshada ay kuwada xiriiraan waxaa siweyn u qabsaday muuqaalo ku saabsan weerar iyo bur burin ba’an oo ay dadka ku hayaan Tarmuuska Shaaha lagu shubto, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku dhax jiro kaniin la sheegay in laga qaadayo cudurka Kansarka.

9/20/2018 3:31 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)-Ururka Al-shabaab ayaa warbaahinta u soo bandhiggay sawirro iyo muuqaalo ka tarjumaya khasaaraha rayidka ka soo gaaray duqeyn diyaarado habeen hore ka geysteen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.

9/20/2018 3:22 AM EST
Khamiis , September, 20, 2018 (HOL) –Golaha wasiirrada Puntland ayaa markii ugu horreeysay ku shiraya magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

9/20/2018 3:14 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)-Guddiga loo saaray diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha.

9/20/2018 1:15 AM EST
Khamiis, September. 20, 2018 (HOL) - Wasiir ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin sabab Soomaaliya ka hor istaagi karta in ay ciidamo ku biiriso howlgalka nabad ilaalinta Koonfurta Sudan, kaddib markii uu dhawaan Urur gobolleedka IGAD ka codsaday dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay in ay ciidamo u diraan dalka South Sudan.

9/20/2018 12:57 AM EST
Mareykanka ayaa sheegaya in uu diyaar u yahay in si deg deg ah uu dib ugu billaabo wada xaajoodyada uu la lahaa dalka Kuuriyada Waqooyi.

9/20/2018 12:29 AM EST
Khamiis , September, 20, 2018 (HOL) –Ciidan ka wada tirsan dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa ku dagaallamay duleedka magaalada Cadaado, habeenkii Arbacada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.