4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Maxey tahay sababta ay dadku u bur burinayaan Tarmuus-yada Shaaha lagu shubto

 

Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)- Saacadihii ugu danbeeyay baraha bulshada kuwada xiriiraan waxaa siweyn u qabsaday muuqaalo ku saabsan weerar iyo bur burin ba’an oo ay dadka ku hayaan Tarmuuska Shaaha lagu shubto, kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu ku dhax- jiro kaniin la sheegay in laga qaadayo cudurka Kansarka.

Qoysaska qaar ayaa markii ay maqleen warkan durbaba  ku qamaamay Tarmuus-yadii guryaha u yaallay, iyaga oo ka baaraya kaniinka la sheegay in uu ku dhax-qarsoon yahay laakiin dhamaan Tarumuus-yadu waxaa ay ka sinnaayeen in laga dhax-helay aalad yar oo u sameysan sidii kaniiniga oo kale laakiin lagu sheegay in ay tahay mid ka ilaalineysa dhalada ku jirta Tarmuuska si aysan qarax u sameyn marka lagu shubo shaaha oo ah biyo kulul.

Dadkan oo qaarkood la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in arintan shaki weyn ka qabaan islamarkaana wixii hadda ka danbeeya adeegsan doonaan oo kaliya Jalmada lagu kariyo Shaaha oo sida ay sheegeen uga maarmi doonaan isticmalka Tarmuus-ka.

Laakiin isla qaar kale oo bulshada ka tirsan oo la hadlay Hiiraan Online ayaa sheegay in arintani u muuqato mid waali ah oo aan waxba ka jirin, iyaga oo ku sababey-naya in dhamaan Tarmuusyadii la jabiyay laga helay hal maado oo isku mid ah taasoo muujineysa in ay tahay mid la socta farsamada Tarmuus-ku u sameysan yahay.

‘’Arrintan waxaan u arkaa mid waali ah, waayo haddii ay waxani Kaniini yihiin, maxaa Tarmuus-yada oo dhan ka simay, oo xitaa loo arki waayay qaar aysan ku jirin, taa waxaa ay kuu cadeyneysaa in ay tahay aalada qeyb ka ah farsamada Tarmuusku u sameysan yahay’’ ayuu yiri qof la hadlay Hiiraan Online.

Ma’aha oo kaliya gudaha dalka Soomaaliya ee xitaa sheekada ku saabsan bur-burinta Tarmuus-yada ayaa gaartay wadamada dariska ah gaar ahaan deegaannada ay Soomaalidu ku dhaqan yihiin sida magaalada Gaarisa oo ay dadku burburinayaa Tarmuus-yadii u yiilay guryaha maqaayadaha .

Ilaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ay wasaarradda caafimaadka dowladda Soomaaliya ka soo saartay warka ku saabsan bal uu jiro Kaniin ku dhax qarsoon gudaha Tarmuuska sida ay dad badanni ku andacoonayaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]