Dowladda Soomaaliya oo diyaar u ah in ciidamo nabad-ilaalin ah u dirto dalka Koofurta Sudan
Khamiis, September. 20, 2018
(HOL) - Wasiir ka tirsan dowladda
Soomaaliya ayaa sheegay in aysan jirin sabab Soomaaliya ka hor istaagi karta in ay ciidamo ku biiriso
howlgalka nabad ilaalinta Koonfurta Sudan, kaddib markii uu dhawaan Urur
gobolleedka IGAD ka codsaday dowladda Soomaaliya ay ka mid tahay in ay ciidamo
u diraan dalka South Sudan.
Wasiiru-dowlaha wasaaradda
Waxbarashada Cabdiraxmaan Jaabir ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ka waaban
doonin ka qeybgalka nabad ilaalinta dalka Konfurta Sudan.
‘’Dad badan ayaa is weydiinaya
sida ay suurtagal ku noqon karto Soomaaliya oo ay ka jiraan colaado in ciidamo
ay ku biiriso nabad ilaalinta dal kale, ‘’ Maxaa diidaya oo naga hor istaagi
kara in aan sidaa yeelno’’ dalka Burundi
ciidamo nabad ilaalin ah ayeey u soo direen Soomaaliya, xili gudaha dalkaasi ay
ka jireen colaad iyo dagaallo dhaxdooda ah, sidaa daraadeed ma jirto sabab naga
hor istaagi karta annagana in aynu qeyb ka qaadanno dhismaha nabada qaarrada’’
ayuu yiri wasiirka.
Urur gobolleedka IGAD ayaa
dalbaday in la helo ciidamo ka socda wadamada ku jira Ururka in ay ciidamo u diraan dalka Koonfurta
Sudan is loo ilaaliyo hergalinta heshiiskii dhawaan Addis Ababa ay ku kala
saxiixdeen dowladda iyo mucaaradka dalkaas.
Dowladda Soomaaliya haddii ay
aqbasho dalabka Urur gobolleedka IGAD waxaa loo baahan doonaa qorshahan in la
hor-geeyo golaha Shacabka si ay u hellaan ciidamada ogolaasho buuxda.
C/raxmaan Diini, Hiiraan
Online
[email protected]