4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Ciidan ka wada tirsan Galmudug oo ku dagaallamay duleedka degmada Cadaado

Khamiis , September, 20, 2018 (HOL) –Ciidan ka wada tirsan dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa ku dagaallamay duleedka magaalada Cadaado, habeenkii Arbacada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha.

Hal askari ayaa geeryooday mid kalana dhaawac ayaa ka soo gaaray iska hor-imaadka oo ka dhashay ka dib markii ciidammo ka tagay Gaalkacyo oo kusii jeeday magaalada  Dhuusamreeb ay is-hortaag kala kulmeen ciidamo kale oo ku sugnaa dulleedka Cadaado.

Baaritaan ku saabsan iska-horimaadka dhexmaray ciidammada ayaa hadda socda ,sida ay sheegeen saraakiisha amniga Galmudug oo inta ku daray in marka baaritaannada  soo dhammaadan ay warbixin soo gudbin doonan.

Xaalad daganaasho ah ayaa laga soo sheegaya duleedka magaalada Cadaado, halka ay ciidamnada ku dagaallameen,mase jirto war ka soo baxay hoggaanka sare ee maamulka Galmudug oo looga hadlay isku-dhaca  ciidanka.

Iska hor-imaadka ayaa ku soo aaday xilli siddeed maalin ka hor sidan oo kale ciidammo ku hubaysan gadiidka dagaalka oo ka ambabaxay Gaalkacyo laga diidday in ay galaan Cadaado, sababo la xiriira  muranka siyaasadeed ee u dhaxeeya hoggaanka sare ee maamulka Galmudug.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]