4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Al-shabaab oo warbaahinta u soo bandhigtay sawirro muujinaya khasaaraha duqeyntii Saakoow


Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)- Ururka Al-shabaab ayaa warbaahinta u soo bandhiggay sawirro iyo muuqaalo ka tarjumaya khasaaraha rayidka ka soo gaaray duqeyn diyaarado habeen hore ka geysteen degmada Saakoow ee gobolka Jubbada dhexe.

Duqeynta ayaa dadka ku dhintay la sheegay in ay ka mid ahaayeen saddex carruur ah oo muuqalka meydadkooda lagu baahay baraha bulshada, halka sidoo kalana uu bur bur xoogan soo gaaray madrasad wax lagu barto iyo isbitaalka degmada Saakoow oo duqeynta bur bur weyn u geysatay.

Laakiin dowladda federaalka Soomaaliya oo war ka soo saartay shalay duqeyntan ayaa sheegtay in lagu dilay dagaal yahanno ka tirsan Al-shabaab, halka sidoo kalana lagu dhaawacay Sheekh Xasan Yacquub oo ka mid ah saraakiisha sare ee Al-Shabaab, sida uu warbaahinta dowladda u sheegay Wasiir kuxigeenka Warfaafinta Aadan Isaaq.

Ma jirto dowlad la sheegay in ay duqeyntaasi fulisay, hasse ahaatee inta badan duqeymaha lagu beegsado xarumaha Al-shabaab ee gobollada Koonfurta waxaa sheegtay dowladda Mareykanka qeybta u qaabilsan howlgalka Africa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]