4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Waqtiga la qabanayo doorashada guddoonka Baarlamaanka Galmudug oo la shaaciyay

 

Khamiis, September. 20, 2018 (HOL) - Guddiga loo saaray diyaarinta doorashada guddoomiyaha baarlamaanka dowlad gobolleedka Galmudug ayaa shaaciyay waqtiga la qabanayo doorashada guddoomiyaha.

25ka bishan aynu ku jirno ee September, ayeey guddigu shaaciyeen in ugu danbeyntii la qaban dooorashada guddoomiyaha baarlamaanka, kaddib markii xilka laga qaaday guddoomiye Cali Gacal Casir oo laakiin dhinaciisa wali diidan xil ka qaadista lagu sameeyay isaga oo sheegay in ay loo marin dariiqii saxda ahaa.

Qabashada codsiyada musharixiinta u taagan xilka guddoonka baarlamaanka ayaa bilaabaneyso maanta, waxaana ay ku eg tahay maalinta Sabtida ah oo ay taariikhdu tahay 22ka bishan.

Galmudug wali waxaa ka dhax jira khilaaf xoogan oo u dhaxeeya madaxda ugu sareysa maamulka oo dhinac-ba kan kale uu sheegay in kalsoonadii lagala noqday.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]