4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Xisbiga Daldhis oo Xarun ka furtay magaalada Beledweyne


Khamiis, September. 20, 2018 (HOL)- Munaasabad ay ka qeybgaleen maamulka degmada Beledweyne iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa lagu daah –Furay xarun uu yeelanayo Xisbiga Daldhis.

Guddoomiyaha ku-meel-gaar ah ee Xisbiga Cabdiraxmaan Xusseen Cadow oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in xisbigan lagu wado dhawaan in uu ka mid noqdo asxaabta dalka ee diiwaan-gashay, isaga oo intaa ku daray in Soomaaliya hadda u socto in laga guurayo nidaamka ku saleysan Qabiilka, laguna tartamo doono asxaab iyo aragti siyaasadeed.

‘’Dunida hormartay ee casriga ah waxa kaliya aan uga daba-tagi karno ayaa ah in aynu ku midoowno aragti siyaasadeed annaga oo meel iska dhigeyna Qabiilka ama waxa loogu yeero 4.5 ka oo muddo dheer soo daashaday dalka iyo dadka Soomaaliyeed intaba’’ ayuu yiri Cabdiraxmaan Xusseen Cadoow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xisbigu u furan yahay dhamaan bulshada Soomaalida oo looga baahan yahay ayuu yiri in ay ku soo biiriyaa wixii tallo iyo tusaalle ah oo ay u arkaan in lagu hormarin karo siyaasada xisbiga ee ku wajahan mustaqbalka Soomaaliya.

Dhamaan dadkii ka qeybgalay ayaa boggaadiyay furitaanka xarunta cusub ee Daldhis iyaga oo sheegay in uu noqonaya xisbiggii ugu horeeyay ee xarun ka furto gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

Soomaaliya ayaa u soctaa sanadka 2020-2021 in dadku soo doortaan madaxda hoggaamin doonta dowladda tan xigta, waxaa jira xisbiyo mar hore la diiwaa-galiyay oo loo aqoosaday in ay yihiin asxaab rasmi ah oo Qaran. 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]