4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Shirkii Golaha Wasiiradda Somaliland ee maanta oo laga soo saaray qodobo

 

Khamiis, September. 20, 2018 (HOL) - Shirkii golaha wasiiradda Somaliland ayaa laga soo saaray qodobo ku saabsan safarka uu madaxweynaha Maamulka Puntland ku yimid magaaladda Badhan iyo xeerar cusub oo golaha wasiiradu ansixiyeen.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay afhayeenka madaxtooyadda Maxamuud Warsame Jaamac, waxaanu u qornaa sidan: “Kal-fadhiga golaha wasiirrada, ayaa lagaga digay faro-gelinta qaawan ee ay Soomaaliya ku soo qaadday gobolka Badhan iyo sida aan marnaba loogu dulqaadan Karin gardarrada iyo daan-daansiga lagu hayo Jamhuuriyadda Somaliland, waxana uu goluhu soo saaray qodobbadan.

1. Somaliland waxa ay aaminsan tahay nabadgelyada iyo deggenaanshaha gobolka geeska Afrika, waxana ay kasoo horjeeddaa colaad iyo khal-khal nabadgelyo-darro oo ka dhaca gobolka.

2. Soomaaliya waxa ay kusoo xad-gudubtay Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo food-saare ka dhiganaysa maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, sidaynu ognahay sannadkan horraantiisii waxa yimi gobolka Badhan wasiir Federal ah oo horseeday iska hor-imaatin ciidan oo dhiig ku daatay.

3. Somaliland waxa ay aqbashay dhexdhexaadintii IGAD, AU-da iyo wakiilka UN-ta Soomaaliya u jooga oo ahayd in colaadda la joojiyo oo maxaabiista la kala beddesho oo ay wada-hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, hase yeeshee, waxa caddaatay in dawladda Farmaajo ay ka go’an tahay inay dagaal joogto ah kusoo qaaddo Jamhuuriyadda Somaliland, iyada oo dabada ka riixaysa maamulka Puntland. Imaatinka Cabdiweli gaas ee Gobolka Badhan waxa uu qeexayaa faro-gelin qaawan oo siyaasadeed iyo joogtaynta colaad Somaliland ka dhan ah, sidaa daraadeed Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay go’aansatay in dalkeeda, dadkeeda iyo qaran-nimadeedaba ay difaacayso.

4. Waxannu u sheegaynaa Soomaaliya in Somaliland ay si waafi ah uga fal-celin doonto xad-gudubkaa aad ka badheedheen.

Dhinaca kale shirkii golaha wasiirrada Somaliland oo ay fadhiyeen 27-wasiir, waxa lagu ansixiyey laba xeer oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah.

1. Xeerka kaabista iyo wax-ka-beddelka, xeerka Ismaamulka Gobollada iyo degmooyinka Somaliland (Xeer Lr-23), xeerkaas oo ay wasaaradda arrimaha gudaha iyo Garyaqaanka Guud ay iska kaashadeen diyaarintiisa, goluhuna wax-ka-beddel iyo kaabis ku sameeyey, sidaasina goluhu ku ansixyey.

2. Xeerka Hawl-gabka iyo xaq-siinta Ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland (Xeer Lr xx/2018). Xeerkan oo ah mid cusub oo aan hore u jirin, ayaa ah mid looga gol leeyahay in ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland helaan daryeel ciidannimo oo sharci ku qotoma, waxana golaha hor keentay wasaaradda gaashaandhigga Jamhuuriyadda Somaliland, goluhuna waxa uu ku ansxiyey duuduub.”

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online

[email protected]

Hargeysa, Somaliland.