4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Sept 20, 2018
Golaha wasiirrada Puntland oo ku shiraya magaalada Badhan ee gobolka Sanaag

Khamiis , September, 20, 2018 (HOL) –Golaha wasiirrada Puntland ayaa markii ugu horreeysay ku shiraya magaalada Badhan ee xarunta gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Gaas iyo inta badan golahiisa wasiirrada ayaa ku sugan magaalada Badhan, waxaana shir halkaa ugu furmaya uu yahay kulankii toddobaad laha ahaa inta badan diirrada lugu saari jiray xaaladda Puntland.

Lama sheegin qodobbada shirka looga hadlayo,balse si guud waxaa la sheegay in lugu fallanqeyn doono xaaladda amniga ee Puntland, arrimo la xiriira federaalka iyo warbixinno ay golaha siin doonan xubno ka mid ah wasiirrada, sida u Hiiraan Online u sheegay sarkaal sare oo ka mid ah wafdiga ku sugan Badhan.

Warar kale oo Badhan laga helayo ayaa sheegay in sidoo kale uu halka ka dhici doono shirka guddiga joogtada ah ee Baarlamaanka Puntland, iyadoo magaalada Badhan uu ku suganyahay guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland iyo xubno ka mid ah guddiga joogta ah ee Baarlamaanka.

Waa markii ugu horreeysay oo wafdi ballaaran oo ka socda Puntland uu tagayo magaalada Badhan ee gobolka Sanaag,sidoo kale shirarka la qorsheeyay waxaa ay noqonaya kuwii ugu heer sareeyay ee magaalada Badhan ay martigalinayso.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]