4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Maamul gobolleedyada oo beesha caalamka kala hadlaya xal u helida khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka
Madaxweynaha Galmudug,Axmed Ducaale ayaa la filaya inuu ku biiro hoggaamiyayaasha ku sugan Nairobi
Madaxweynaha Galmudug,Axmed Ducaale ayaa la filaya inuu ku biiro hoggaamiyayaasha ku sugan Nairobi

Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaal saddex ah oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa xubnaha beesha caalamka kala hadlaya siddii ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen xal u helida khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfurgalbeed iyo Puntland ayaa ku sugan xarunta dalka Kenya,iyagoo kulamo la qaadanaya madaxda beesha caalamka ee arrimaha Soomaaliya.

Hoggaamiyayaasha ayaa ku eedeyay dowladda federaalka inaysan diyaar u ahayn siddii loo xallin lahaa khilaafka muddada taagan,si  xal loo gaarana ay lagama-maarman u arkaan madaxda maamul-gobolleedyada inay  beesha caalamka soo faregaliso , dowladda federaalkana lugu cadaadiyo siddii ay u horfadhisan lahayd madaxda dowlad-gobolleedyada, sarkaal ka tirsan wafdiga Nairobi jooga ayaa u xaqiijiyay Hiiraan Online.

Madaxda dowlad-gobolleedyada waxaa ay Nairobi kulamo kala qaadanayaan safiiradda beesha caalamka ee Soomaaliya, urur gobolleedka IGAD,Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay.

Warar horu-dhac ah oo ay heshay Hiiraan Online ayaa xaqiijinaya xubnaha beesha caalamka ee ay la kulmeen madaxda dowlad-gobolleedyada inay ka heleen ballan-qaad ku aadan si dhaqso ah in loo xalliyo khilaafka,waxaa ay inta ku darayaan wararka surtagalnimada uu ku baaqan karo shir ay hoggaamiyayaasha dowlad-gobolleedyada ku ballan-sanayeen 10-ka  bishan inuu ka qabsoomo magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

Isku dayada ay madaxda dowlad-gobolleedyada  ku raadinayaan inay dowladda federaalka la hadlaan iyadoo daraf saddexaad uu u dhaxeeyo ayaa ku soo aadaya xilli ay horey u sheegeen madaxda dowladda federaalka inaysan diyaar u ahayn daraf saddexaad oo dhex dhexaadiya iyaga iyo dowlad-gobolleedyada, waxaana baaqday labo shir oo uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo oo mid ka mid ah uu ku doonayay inuu kula hadlo dhammaan madaxda dowlad-gobolleedyada.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]