4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Garoowe: Wasiirka Qorsheynta Federaalka oo u tartamaya kursi xildhibaan

Sabti, October, 06, 2018 (HOL)–  Doorashada kursi ka bannaan golaha shacabka federaalka ayaa la filaya in Axadda lugu qabto magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,iyadoo uu kursiga u sharaxanyahay wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka.

Kursiga ay doorashadiisa ka dhacayso magaalada Garoowe, waxaa horey u baneeyay Dhahar Cali Faarax oo la sheegay si iskiis ah inuu isku casilay, waxaana u tartamaya labo musharrax oo u ka mid yahay wasiirka Qorsheynta iyo Xiriirka Calaamiga ah ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan oo shalay gaaray magaalada Garoowe.

Dhahar Cali , ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay u magacowday Qunsulka safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti, arrinta oo xoojisay hadal haynta ku aadan in xildhibaanka hore lugu qanciyay kursiga inuu isaga tago , si uu ugu tartamo wasiirka ay isku beeshayihiin ee Jamaal Maxamed.

Xukuumadda uu hoggaamiyo ra'iisul wasaare Khayre ayaa u muuqata inay dadaal ku bixinayso sidii ay aqlabiyad ugu yeelan lahayd golaha shacabka,taas oo meesha ka saari karta xukuumadda inuu wal walbadan ka heysto Baarlamaanka.

Xildhibaan ka tirsan golaha shacabka ayaa toddobaadkii hore ku baaqay in il-gaar ah loo yeesho sida ay xukuumadda ugu mil-mayso golaha shacabka, wuxuu isla waqtiga soo jeediyay in la xadido awooda wasiirrada ku jira Baarlamaanka, si aysan meesha uga bixin in lala xisaabtamo xukuumadda.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]