4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Madaxweynihii hore ee Koonfurta Kuuriya oo lagu xukumay 15 sano oo xariga ah

 

Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Kuuriya Lee Myung-bak ayaa lagu xukumay 15 sano oo xariga ah kadib markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.

Lee ayaa waxaa jimcihii lagu xukumay maxkamad ku taalla magaalada Seoul, waxaana sidoo kale la amray in uu bixiyo lacag ganaax ah oo gaareeysa ilaa 11.5 milyan oo dollar.

Madaxweynihii hore ayaa ku doodaya in xukunka lagu riday uu yahay mid siyaasadeysan,waa madaxweynihii Afarad ee Koonfurta Kuuriya oo xabsi lagu xukumo.

Lee ayaan soo xaadirin maxkamadda markii uu xukunkiisa dhacayay, sababo la xiriira caafimaadkiisa darteed.

Park Geun-hye oo isagana horay madaxweyne uga soo ahaa dalkaasi Kuuriyada Koonfureed waxaa horay looga xukumay 33 sano oo xarig ah .

Lee xilliga ay maxkamaddu xukunka ku rideysay maxkamadda wuxuu uga maqnaa xaalad caafimaad darro oo la soo deristay.

Garsooraha maxkamadda ayaa wuxuu sheegay “xukunka in la adkeeyo iney sababtay dacwadda Lee lagu soo oogay oo ah mid aad u culus.”

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]