4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Dowladda oo kordhisey tirada ciidamadda nabadgalyadda caasimadda Muqdisho

Sabti, October, 06, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa tiro kale oo ciidammo dheerad ah geynaysa degmooyinka gobolka Banaadir si loo xoojiyo nabadgalyada caasimadda Muqdisho.

Ciidamadda dheeradka ah ayaa shalay lugu soo bandhigay munaasabad looga hadlay ammaanka magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay tiro 3,000 oo askari ah in lugu biirinayo ciidamadda horey uga howlgallayay degmooyinka gobolka Banaadir.

" Dowladda iyo maamulka gobolka waxaa ka go'an xasillinta caasimadda Muqdisho, waxaana mar walba la qaadaya tallaabooyin macqulka ah ee ammaanka lugu xaqiijinayo." ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka  gobolka Banaadir, Maxamed Cabdullaahi Tuulax.

Wuxuu inta ku daray in wadashaqeyn la’aanta ay tahay tan ugu badan ee dhibaatada ka soo gaarto shacabka, isla markaana aan loo dulqaadan doonin in markale ay dhacdo wada shaqeyn la’aan dhex marta maamullada degmooyinka iyo taliyeesha saldhigyada booliska.

Toddobaadyo ka hor maamulka degmada Xamar weyne ayaa ka dalbaday dowladda ciidamo dheerad ah oo suga amniga degmada, kaddib markii ay kordheen falalka amni darro ee ka dhaca Xamar weyne.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]