4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Guddoomiyihii hore ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo loo diiday inuu xarunta xisbiga gallo

Sabti, Octobar 06,  2018  (HOL)- Gudoomiyihii hore eee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel ayaa sheegay in loo diiday inuu xaruntii xisbiga soo gallo, waxaanu xusay in ciidamo la keenay xafiiskiisii ku amreen in aanu iman karin xafiiskiisii.

Sidoo kale, waxa Shabeel sheegay in wariyeyaal la socday ciidanku xabsiga u taxaabeen, isagoo ugu baaqay in suxufiyiintaasi la sii daayo.

“Ciidanku wuuu ku soo waabariistay xarunta xisbiga, aniga waa la ii diiday inaan gallo xarunta, , wariyeyaal meesha yimidna waa la xidhxidhay, sidaas darteed, shirkii golaha dhexe ee aan ku baaqay dib baan u dhigay ilaa bisha soo socoto ee November 5-teedda, waxaana sidaas isla garanay xubnaha golaha dhexe ee xisbiga  oo kala maqan oo qaarkood qurbaha ku maqan yihiin”ayuu yidhi Shabeel.


Jaamac Shabeel waxa uu tilmaamay in laga baxay sharcigii iyo nidaamkii xisbiga u yaalla,isla markaana ay doonayaan in dib loogu soo celiyo sharcigii xisbiga.

Toddobaadkii hore ayaa guddida fulinta xisbiga kulmiye sheegeen inay xilkii iyo xubinimadii golaha dhexe laga saaray, waxaanay ku eedeeyeen inuu xukuumada usoo jeediyey eeddo isagoo masuul xisbiga ka tirsan ah.
 
Barkhad-ladiif  M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland.