4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Golaha Shacabka oo maanta kulan ka yeelanaya Hindise Sharciyeedka Nashqadeynta magaalooyinka

Sabti, October, 06, 2018 (HOL)–  Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa xalay lagu wargeliyay in Sabtida maanta ah ah uu jiro kulanka Baarlamaanka,isla markaana ay ka soo qayb-galaan.

Xubnaha Golaha Shacabka ayaa maanta la sheegay in Ajendaha horyaala uu yahay Akhrinta 1aad ee Hindise Sharciyeedka Nashqadeynta magaalooyinka, kaas oo la sheegay inuu muhiim u yahay dalka.

Xildhibaannada oo weli ku guda jira kal-fadhigooda Afaraad ayaa waxaa kulamadii ugu dambeeyey ay uga doodeen xeer hoosaadka golaha Shacabka iyo Amniga, waxaana sidoo kale horyaalla Ajandayaal kale iyo hindise sharciyeedyo.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]