4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Madaxweyne Waare oo deg deg ugu laabtay magaalada Jowhar

 

Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa deg deg ah ugu laabtay magaalada Jowhar kaddib markii shalay guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle uu qabtay mooshin ka dhan ah.

Madaxweynaha iyo wafdi uu horkacayay oo ka anbabaxay magaalada Muqdisho waxaa garoonka diyaaradaha Jowhar ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin uu horkacayay madaxweyne ku-xigeenka maamulka Cali Guudlaawe Xusseen.

Madaxweyne Waare ayaan dib ugu laaban magaalada Jowhar tan iyo horaantii bishii September oo uu Kismaayo uga soo qeybgalay shirkii madaxda dowlad gobolleedyada ee xiriirka loogu jaray dowladda Soomaaliya.

Tan iyo wixii waqtigaa ka danbeeyay madaxweyne Waare waxaa uu ku sugnaa magaalada Muqdisho, hasse ahaatee safarkiisan Jowhar ee maanta ayaa imanaya xili 57 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka Hirshabeeelle u gudbiyeen guddoonka mooshinka ka dhan ah madaxweynaha.

Xildhibaannadda mooshinka ka keenay Waare ayaa cuskanaya eedeymo ay ka mid yihiin, Qiyaanno Qaran, Ku Takri-Fal Awooddeed, Musuq-maasuq iyo xilgudasho la’aan, laakiin lama oga xaqiiqda eedeymahan marka laga soo tago sheegashada xildhibaannada.

Madaxweynaha ayaa la filayaa in uu saacadaha soo socda bilaabo kulamo la xiriira doodda ay qabaan xildhibaannada ka soo horjeeda, hasse ahatee waxaa isha lagu wada hayaa sida uu madaxweynuhu ku wajihi doono mooshinkan ka dhanka ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]