4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Al-shabaab Mozambique ku dishay 90 ruuux

 

Sabti, October,  06, 2018 (HOL) –Taliyaha booliska dalka Mozambique Bernadino Rafael  ayaa waxaa uu sheegay in 90 qof la dilay ku dhawaad 70 kalana ay dhaawacyo soo gaareen tan iyo markii urur Islaami ah uu sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka bilaabay inuu weerraro ka gaysto.

Kooxda Jihaadiyiinta dalka Mozambique ayaa argagax ku baahiyay waqooyiga dalka, oo waxa ay galeen tuulooyinka iyagoo sita mindiyo kuwaasi oo ay u adeegsanayeen qoor goynta dadka tuulooyinka.

Wararku waxaa ay sheegayaan in kooxdan gubeen ku dhawaad Kun guri sidoo kalana waxa ay weerareen xarumo boolis.

Waxaa loo yaqaanaa Al-Shabaab, balse ma cadda in ay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab ka dagaalanta bariga Afrika oo ay isku magaca yihiin. Waxaana la aaminsayahay in ay malaayiin doolar ay ka heelan iibinta alwaaxa iyo macadanta.

Sanaddadii dambe ururo Islaamiyiin ah oo Al Qaeda xiriir la leh ayaa ka bilowday dalka Soomaaliya kuwaas oo markii dambe ku faafaay Kenya ilaa Tanzaaniya, waxaana macquul ah in ay soo gaareen dalka Mozambique.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]