3/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Oct 6 , 2018
Dowladda Qatar oo loo ogolaaday in ay dhoofsato duur joogta Soomaaliya

 

Sabti, October, 06, 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay tan iyo wixii ka danbeeyay bur burkii dowladda dhexe ee dalka waxaa ay u ogolaatay dowlad kale oo shisheeye in ay dhoofsan karto duur joogta Soomaaliya.

Dowladda Qatar ayaa loo ogolaaday in ay dhoofsan karto Qaar ka mid ah duur joogta Soomaaliya (Sagaarada) sida ku cad qoraal ka soo baxay wasaradda Xanaanada Xoolaha dhirta iyo daaqa ee Soomaaliya oo uu ku saxiixan yahay agaasimaha Wasaaradda.

Qoraalka ka soo baxay wasaarradda Xanaannada Xoolaha Soomaaliya waxaa ay Safaaradda dalka Qadar u fasaxday in ay dalkooda u dhoofsadaan duurjoog tiradoodu gaarayso 14 nooc oo sagaaro ah.

 

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]

 













Click here
10/6/2018 2:18 PM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya,Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaaradaha caafimaadka, shaqada iyo arrimaha bulshada, hawlaha guud, beeraha, xannaanada xoolaha iyo ganacsiga.

10/6/2018 1:56 PM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Dugsiga tabbabarka Turkiga ee magaalada Muqdisho ayaa maanta tabbabar loogu soo xiray ciidan isugu jira saraakiil iyo saraakiil ku-xigeen oo muddo sannad ah tabbabar ku qaatay saldhigga tabbabarka ciidamadda ee Turkisom.

10/6/2018 1:30 PM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Weerarrada lagu qaaday shaqaalaha gargaarka ee Soomaaliya ayaa sababay geerida siddeed shaqaale iyo dhaawacyo 12 kale intii u dhaxaysay Jannaayo iyo Sebtembar, sida lugu sheegay warbixin ay baahisay Jimcihii Qaramada Midoobay.

10/6/2018 1:20 PM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL)–Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegay in uu halkaa gaaray taliyaha hay’adda Nabad-sugida Qaranka Soomaaliya Xuseen Cusmaan Xuseen

10/6/2018 12:49 PM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Hoggaamiyihii hore uga tirsanaan jiray al-Shabaab, Mukhtaar Roobow ayaa ballan-qaaday inuu furi doono waddooyinka u xiran al-Shabaab ee deegaannada dowlad-gobolleedka Koonfurgalbeed.

10/6/2018 11:55 AM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Hoggaamiyayaal saddex ah oo ku sugan magaalada Nairobi ayaa xubnaha beesha caalamka kala hadlaya siddii ay door muuqda ugu yeelan lahaayeen xal u helida khilaafka kala dhaxeeya dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

10/6/2018 11:29 AM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Dowladda Marekanka ayaa dib u dayactir deg deg ah ku sameynaysa halka diyaaradaha ku soo dagaan ee garoonka Biladoogle, iyadoo mashruucan la sheegay inay ku baxeyso 12 milyan oo dollar.

10/6/2018 10:58 AM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Dowladda Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in maamullada degmooyinka iyo saraakiisha hay'adaha lugu xisaabtamayo amniga caasimadda Muqdisho.

10/6/2018 10:30 AM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulankiisa 11-aad kalfadhiga 4-aad , wuxuu ugu yeeray wasiirka howlaha guud ee xukuumadda Soomaaliya oo ka hor akhriyay hindise sharciyeedka nidaaminaya naqshadeynta magaalooyinka.

10/6/2018 10:16 AM EST
Sabti, October,06 2018 (HOL) –Qoys degan koonfurta Hargeysa meel u dhow degmadda Faroweyne ee gobolka Maroodi jeex ayaa xalay koox deblay ah oo aan la aqoonsan ku weerartay rasaas iyo inay dabqabadsiiyaan qoyskaasi.

10/6/2018 10:13 AM EST
Sabti, Octobar 06, 2018 (HOL)- Gudoomiyihii hore eee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE Jaamac Shabeel ayaa sheegay in loo diiday inuu xaruntii xisbiga soo gallo, waxaanu xusay in ciidamo la keenay xafiiskiisii ku amreen in aanu iman karin xafiiskiisii.

10/6/2018 9:46 AM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Maamulka gobolka Banaadir ayaa mamnuucay in laga soo dajiyo dekedda Muqdisho gaadiidka Mooto Bajaajka.

10/6/2018 9:26 AM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Madaxweynaha dowlad gobolleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa deg deg ah ugu laabtay magaalada Jowhar kaddib markii shalay guddoonka baarlamaanka Hirshabeelle uu qabtay mooshin ka dhan ah.

10/6/2018 7:29 AM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) – Madaxweynihii hore ee dalka Koonfurta Kuuriya Lee Myung-bak ayaa lagu xukumay 15 sano oo xariga ah kadib markii lagu soo eedeeyay musuqmaasuq.

10/6/2018 6:46 AM EST
Sabti, October, 06. 2018 (HOL) - Wararka ka imananaya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa sheegaya in Mukhtaar Rooboow Cali Abuu-Mansuur uu halkiisa ka sii wato ololihiisa doorasho ee musharaxnimada xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed xili Wasaarradda Amniga ka mamnuucday in uu isku soo taago doorasho.

10/6/2018 4:58 AM EST
Sabti, October, 06, 2018 (HOL)– Saldhigga milatari ee Turkiga uu ku leeyahay magaalada Muqdisho, waxaa ka socota munasaabad la filayo in dowladda Soomaaliya ay kula wareegto cutub ka mid ah Ciidamadda uu tababarray Turkiga.

10/6/2018 4:40 AM EST
Sabti, October, 06, 2018 (HOL)– Doorashada kursi ka bannaan golaha shacabka federaalka ayaa la filaya in Axadda lugu qabto magaalada Garoowe ee xarunta Puntland,iyadoo uu kursiga u sharaxanyahay wasiir ka tirsan xukuumadda federaalka.

10/6/2018 4:16 AM EST
Sabti, October, 06, 2018 (HOL)– Dowladda Soomaaliya ayaa tiro kale oo ciidammo dheerad ah geynaysa degmooyinka gobolka Banaadir si loo xoojiyo nabadgalyada caasimadda Muqdisho.

10/6/2018 4:01 AM EST
Sabti, October, 06, 2018 (HOL)– Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankooda caadiga ahaa Maanta ku yeelanaya xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho.

10/6/2018 3:50 AM EST
Sabti, October, 06, 2018 (HOL)– Madaxda dowlad-gobolleedyada qaar ka mid ah ayaa ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya,halkaas oo ay kulamo ku qaadanayaan.

10/6/2018 2:16 AM EST
Sabti, October, 06, 2018 (HOL)–Taliyaha booliska dalka Mozambique Bernadino Rafael ayaa waxaa uu sheegay in 90 qof la dilay ku dhawaad 70 kalana ay dhaawacyo soo gaareen tan iyo markii urur Islaami ah uu sanadkii la soo dhaafay dalkaasi ka bilaabay inuu weerraro ka gaysto.