4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Itoobiya oo hawada u direysa Dayax Gacmeed

 

Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Itoobiya ayaa sheegtay iney sanadka 2019-ka ay marki ugu horreysay hawada sare ay u diresyo dayax-gacmeedki ugu horreeyey oo ay yeelato.

Warkan oo aan ka soo xigannay xafiiska isgaarsiinta ee dalka Itoobiya ayaa sheegaya sameynta dayax-gacmeedka Itoobiya iney iska kaashadeen Khubaro ka kala socday Itoobiya iyo Shiinaha.

Madaxa machadka teknooljiyadaha hawada sare ee Itoobiya Dr Selemon Belay, wuxuu sheegay sameynta dayax gacmeedka Itoobiya ay hawada u diri lahayd inuu haatan gabagabo marayo.

Waxaana la dhammeystiray ayuu yiri fasaxi caalamiga ahaa ee nalooga baahnaa iyo diiwaangelinta ceymiska intaba.

Waxayna si rasmi ah dayax-gacmeedka hawada sare aan u direynaa ayuu yiri sanadka 2019-ka.

Dayax-gacmeedka oo hawada sare loogua dirayo dalka Shiinaha waxay Itoobiya ku soo gaareysaa afar maalmood gudahood.

Dayax-gacmeedka oo miisaankeedu yahay 70 kiilo waxaa loo adeegsan doonaa dabagalka iyo uruurinta xogaha la xiriira beeraha, biyaha, macdinta iyo horumarinta magaalooyinka.

Waxayna awood u leedahay 54 maalmood iney dunida oo dhan ku soo wareegto, Itoobiyana 4 maalmood.

Machadka sameynta dayax-gacmeedkan hirgeliyey ee Itoobiya waxaa marki ugu horreysay la aasaasay 2016-ka, iyada oo ay machadku u qorsheysan tahay ilaa iyo 2025-ka inuu hawada sare uu u diro dayax gacmeedyada dalka uu u baahan yahay oo dhan.

Itoobiya oo ka mid noqoneyso 7-da dal ee qaaraddan Afrika oo yeesha dayax-gacmeed iyaga u gaar ah, waxaa horay dayax gacmeedyo hawada sare u diray waddamada Masar, Koonfur Africa, Nayjeeriya, Ghana, Angola iyo Kenya.

Xigasho : BBC