4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Puntland: Xildhibaanno soo bandhigay qorshe lagu doonayo in Dastuurka la furo

Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) – Puntland waxaa toddobaadyadii u dambeeyay ka taagan hadal heynta ku aaddan inay socdaan isku dayo lagu doonayo in dastuurka maamul-gobolleedka la furo.

Xildhibaanno Arabacadii saxaafadda kula hadlay Garoowe ayaa ka digay in dastuurka la furo,iyagoo warbaahinta horteeda ka sheegay inuu socdo mooshin lagu doonayo dastuurka in la furo.

" Waxa dastuurka loo furayo waxay tahay in la doonayo Baarlamaanka in la siyaadiyo arrinta oo dhib ku ah xasilloonida Puntland." ayuu yiri xildhibaan suxufiyiinta kula hadlay Garoowe.

"Ujeeddada waa in Puntland god lagu rido... waxaa mashaakil kale ah in arrintan lagu soo aadiyay xilli doorashada ay waqti yar ka harsan-tahay." ayuu  ku daray hadalkiisa.

Xildhibaannada ayaa sheegay in la tixgeliyo heshiiska saami qaybsiga ee Puntland ay wax ku dhiseen aasaasayaasheeda, taasi oo ku salaysnaa qaab deegaan in loogu qaybiyay golaha wakiilada beelaha degga Puntland.

Dastuurka Puntland ayaa dhigaya xidhibaannada inay yihiin 66 xubnood.

Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]