4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 25, 2018
Warmurtiyeedka shirka golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ee Garoowe lagu soo gabagabeeyay

Khamiis, October, 25, 2018 (HOL) –  Golaha iskaashiga dowlad-gobolleedyada ayaa goor dhow war-murtiyeed ka soo saaray shir saddex maalin uga socday magaalada Garoowe ee xarunta Puntland.

War-murtiyeedka shirka oo 15 qodob ka kooban , ayaa waxaa ku cusub dowlad-gobolleedyada inay ku midoobeen xisbi siyaasadeed cusub, waxaa kalo markii ugu horreeysay ay shaaciyeen maamul-gobolleedyada inay dhisayaan ciidamo u gaar ah oo si wadajir ah howlgallo u fuliya.

Hoggaamiyayaasha maamul-gobolleedyada ayaa warmurtiyeedka ku xaqiijiyay inuusan waxba iska badalin mowqifkii ay xiriirka uga jareen dowladda federaalka,iyagoo cambaareeyay wax ay ku sheegen 'siyaasadda guracan ee ku salaysan burburinta hannaanka federaalka'.

Golaha ayaa sidoo kale ugu baaqay dowladda federaalka inay joojiso faragelinta ay ku heyso dowlad-gobolleedyada.

Hoos ka akhri warmurtiyeedka:
 


Iman Mohamed Jama, Hiiraan Online
[email protected]